Si wadajir ah ayaynu u joojinaynaa kirooyin suuqu xukumo

Kirooyin suuqu xukumo micnaheedu waa in guri kireeyuhu go’aaminayo kiradaada iyadoo aanad xaq u haysan wada xaajood guud oo loo maray ururka guri kireystayaasha. Waxaa jirta khatar ah in kirooyinka suuqu xukumo laga dhaqan geliyo gudaha Iswiidhan oo Ururka guri kireystayaasha wuxuu rabaa inuu joojiyo taas.

Maanta kirooyinka waxaa ka wada xaajooda guri kireeyaha iyo guri kireystayaasha oo si guud ay u matalaan ururada guri kireystayaasha oo tani micnaheedu waa in kirooyinku noqdaan caddaalad. Kirada waa inay isku mid uga sinaanaadaan guryuhu! Tayada iyo xaaladoodu waa inay go’aamiso, ee maaha qofka bixin kara lacagta ugu badan ee kiro ah.

In kirada looga wada xaajoodo si guud waxay amaan u tahay adigaaga guri kireystaha ah oo micnaheedu waa in kiradaada aan loo kordhin karin si walba oo la doono. Annagayaga ah Ururka guri kireystayaasha ayaa ku matalna adiga dhanka wada xaajoodka kirooyinka.

Dawladda (Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet) ayaa wadajir Centerpartiet iyo Liberalerna doonaysa inay dhaqangeliso ”kirooyin si xor ah looga dhigo lacagta la rabo dhanka dhismayaasha cusub”. Tani micnaheedu wuxuu noqon doonaa kirooyin suuqu xukumo dhinaca guryaha kirada ee cusub.

Waxaanu aaminsanahay in aragti ahaan ay micnaheedu noqon lahayd in kiro suuqu xukumo ay galaan dhammaan guryaha maadaama wada xaajoodka wadajirka ah uu meesha ka baxayo. Kirooyinka suuqu xukumo micnahoodu wuxuu noqon doonaa kirooyin aad u sareeya oo ay la kulmaan dadka badankoodu. Xaafadaha qaarkood waxaa kirada kor loo kicin lahaa ilaa iyo boqolkiiba 50.

Guri kireystayaasha iyo dadka wax doorta badankooda way ka soo horjeedaan kirooyin suuqu xukumo, laakiin haddana siyaasiyiinta ayaa sidan soo jeedisay.

Annagayaga ah Ururka guri kireystayaasha waxaanu si xoog ah ugu halgamaynaa imminka in taasi aanay noqon xaqiiq. Rajadu waa in adigu aad caawimaad ka geysato!

Sidee ayaad kaalmo uga gaysan kartaa in la joojiyo kirooyin suuqu xukumo?

Ta ugu fiican waa in la tuso siyaasiyiinta in dad badan ay ka soo horjeedaan kirooyin suuqu xukumo!

  • Adigu waxaad ka qaybqaadan kartaa oo saxeexi kartaa liistada magacyada la ururinayo. XIRIIRKA

  • Adigu waxaad xitaa daabici kartaa oo xaafadaada ku faafin kartaa waraaqo daabacan iyo xaashiyo. 
    PDF
    PDF

  • Adigu waxaad ku sii faafin kartaa Facebook, Twitter iyo dhanka Ii-maylka

  • Adigu waxaad la xiriiri kartaa siyaasiyiinta degmadaada ama siyaasiyiinta baarlamaanka. Degmada boggeeda intarnatka waxaa ku qoran kuwa ah siyaasiyiinta degmada. HALKAN waxaad ka arki kartaa kuwa ay yihiin siyaasiyiinta ku jira baarlamaanka ee matala xaafadaada.

Waa muhiim in la is abaabulo marka aynu sidaa wadajir u samayno sidaas ayaan ku sii xoogaysanaynaa. Iswiidhan waxay leedahay 3 milyan oo ah guri kireystayaal. Si wadajir ah ayaynu ugu halgamaynaa in laga hortago kirooyin suuqu xukumo!