Warbixin ku saabsan Ururka kireystayaasha (Hyresgästföreningen)

Nagu saabsanWaxaad buug-yarahaan ka akhrisan kartaa waxyaaloku saabsan Ururka kireystayaasha. Cidda aan nahay,waxa aan samayno iyo waxa aan u taagannahay.Haddii aad dooneyso in aad wax dheeraad ah nagaogaato, naga soo wac 0771-443 443.

Mabaadi'da aasaasiga ah ee

Ururka kireystayaasha

Waxaan u shaqeynaa sidii qof kasta u heli lahaa hoy

wanaagsan oo kiradiisu macquul tahay. Waxaan

kireystayaasha maanta iyo kuwa berriba u abuurnaa

degaan wanaagsan. Waxaan u faa'iideynaa dadka

xubnaha naga ah. Waxaan qeexnaa oo dardar gelinnaa

hawlaha waxqabadka.

Waxaan nahay urur ku dhisan dadka xubnaha ka ah.

Waxaan nahay urur ka madaxbannaan siyaasadda

iyo dowladda.

Waxaan dadka guryaha iska leh kala xaajoonnaa

kirooyinka iyo shuruudaha degaanka.

Waxaan jawaab ka bixinnaa su'aalaha xubnaha oo

aan ka caawinno xiriirka dadka guryaha kireeya.

Waxaan ka shaqeynnaa ra'yi-abuurista iyo inaan

saameyno siyaasiyiinta si loo sii hagaajiyo xaaladaha

kireystayaasha.

Waxaan ka caawinna dadka xubnaha ah sidii ay

saamayn ugu yeelan lahaayeen degaanadooda.